Username Password | Register | Lost password
Navigation
Radio
Click on a category to chose your favorite kind of radio

  • BBC Somali 04:00
  • BBC Somali 11:00
  • BBC Somali 14:00
  • BBC Somali 18:00
  • VOA 04:00 PM
  • VOA 07:00 PM
  • VOA 08:00 PM









Random media
Somali Links
African Videos14701
Banadir-city.com11813
Banadir24.com10868
Bclub19.com12032
Dayniile.com14596
Hamarey.com16935
Jowhar.com14053
Laasqoray.org7768
Markacadey.net16840
Somali Music14545
Somali411.com14076
Somalifans.net14466
Somalinote.com616
Somvid.com13303
Webld.net10722
Users Online
Guests Online: 15

Members Online: 0

Total Members: 909
Newest Member: Abubakar10






Maxay tahay sababta ka dabaysa in la joojiyo gargarka koofurta Soomaliya iyo duruufaha ku xeeran?
Khadar sheikh
e-mail : khadar.sheikh@yahoo.com


Laga soo bilaabo horaantii sanadka 2009 qabsashadii Al-Shabaab ee Magaalada Baydhabo oo ahayd magaalada kaliya ee ay dowlada KMG ah xilgaa gacanta uga haystay gobolada koofurta ka xiga caasimada Muqdisho waxaa soo ifbaxayey walaaca iyo cabsi ay hay’adaha gargaarku siiba kukwa Qaramada midoobay ka qabaan saameynta ay ku yeelan karto sii balaarashada awooda kooxda ay reer galbeedku la xiriiriyaan argaixisada Al-shabab ee golada koofurta Soomaliya

Gobolada koofurta Soomaliya oo ay hada intabadan gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda dowlada KMG ah ahna meel ay ragaadiyeen colaado iyo amaandaro wajiyo badan leh haba ugu sii darnaatee magaalada Muqdisho oo ay xaaladeeda sii xumeeyeen dagaalada sadexdii sano ee u damabayey ku dhex marayey dowlada KMG ah oo oo gacan ka helaysa ciidamda Eithopia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo kooxaha hada sii qala qeybsamay ee ka soo horjeeday dowlada Cabdulahi Yusuf Maxaweynaha ka ahaa iyo faragalinta Itoobiya, inkabadan kala bar dadkii reer Muqdisho way ka barakaceen guryahooda waxaana hoy u ah xeryaha baracayaasha ee daafada magaalada. (Ceelasha-biyaha, Dayniile, Ceer carfiid iyo Kaxda)

Hay’ada gargaarka ayaa amaankooda dartood isaga baxan gobolada koofurta halka qaar kale ay yareen joogitaankoodii koofurta, taas oo ka dambaysay dhibaayooyin isi soo tarayey oo ka soo gaarayey kooxo aan la garanaynin dhibaatooyinkaas oo isaagu jiray dilal, dhawayo, afduud iyo weeraro xarumahooda. Inta badan mashaariicdii gobolada koofurta soomaliya waxaa loo weeciyey gobolada kale sida Puntland iyo Somaliland mark laga reebo mashaariic aad u kooban oo kuwa gargaarka deg-deg ah (Emergency Relief) kuwaas oo iyana la sii marsiin jiray NGO maxali ah oo ku sugan Muqdisho iyo magaalooyin kale oo koofurta ah sida Marka, Baydhao, Wajid iyo gobolka Gedo.

Waxaa xusid mudan in mar kasta uu hay’adaha gargaarku ay qeylo dhaan u dirayaan wadama caalamka si loo taakuleeyo Somaliya ay halhays ka dhigtaan dhibaatada koofurta soomailya isla markaa halbeega dadka soomaliya ee kaalmada u baahan 75% u soo qaataan gobolada koofurta iyo caasimada Muqdisho si beesha caalamka loogu qanciyo baahida gaargaarka ee ka jirta Soomaliya balse su’aashu waxay tahay dadka ku dhaqan deegaanadaasi oo ah kuwa ay xaqiiqo tahay baahida ay u qabtaan gargaar bini aadamanimo sidii loogu talo galay ma u gartaa jawabta ay wadamada deeqaha bixiyaan ka ka bixyaan baaqyada kaalmo doonka.

· Joojinta gargaarka koofurta Soomaliya;

5-dii Jananury 2010, ayay hayd markii warbaahinta ay soo gashay In hay’adii Qaramada Midobay u qaabilsanayd cunada ee WFP ay joojisay howlihii raashin qeybinta ee ay ka waday koofurta Soomaliya.

Hadanba waxyaaha aanay saafada Soomalidu soo hadalqadin waxaa ka mid ah ma WFP oo kaliya ayaa ka howlgalijirtay goboladaasin mise iyada oo kaliya ayaa joojisay howlihii koofurta Soomaliya maxaase ku soo began xiligan?

Waxaa cad in WFP ay tahay hay’adii ugu dambaysay ee Qaranada midoobay ee joojisay howleedii koofurta Soomaliya kadib caadisyo kala duwan oo ka soo wajahay xaga gudaha iyo dibadaba.

Hay’adaha samafalka gaar ahaan kuwa UN-ka ayaa ku howlgala kaalmooyin ama deeqo ay wada horumaray ugu talaan inay ku taakuleeyaan wadamada saboolka ah iyo kuwa ay ku habsadeen masiibooyinka dabiiciga ah iyo dagaaladu, dabcan waxaa iyana meesha ka marnayn dano iyo shuruudo daba socda deeq kasta oo ay dowladhaasi bixiyaaan.

Horaantii iyo bartamihii sanadkii tagay ee 2009 waxaa sidoo kale shaacbaxay walaaca dowladaha deeq bixiyaasha ah gaar akana kuwa reer galbkeedka siiba Mareykanka iyo Ingriisku ka qabaan deeqaha ay siiyaan soomaaliya iyo suurtagalnimada inay deeqaahaasi si dadban iyo toosaba ugu gudbaan kooxo ay la xiriiriyaan Argaxisada caaladmiga ah sida Al-shabab.

Hayadaha samafalka ayaan ka sokey qeylodhaantooda kaalmo doonka ah ee ay u dirayaan beesha caalamka waxay si aan ka leexleeshao lahayn u sheegay in dowladihii deeqa siin jiray soomaliya sida Mareykan hakiyeen deeqihii ay Soomaliya siin jiray iyagoo ka walaacsan meesha ay ku dambayn karaan deeqahaasi.

“Donors such as the U.S. were holding back assistance fearing that it would fall into the hands of extremists.'' Mark Bowden Xiriiriuaha Kaalmada Bini-aadanimo ee Soomaliya “

Mark Bowden “Year 2010 = zero in the bank''

Hay’ada Qaramada Midoobay ee qaabilsan Caruurta ee (UNICEF) ayaa iyadana sheegay in howlaheedii Soomaliya caqab soo foodsaartay kadib markii 12 million oo dolar oo ay u baahanyihiin ay u muuqato aysan deeq bixiyaasho bixinaynin.

The organization is having difficulties in raising funds towards its work in Somalia because the lack of contributors in funding UNICEF’s work in Somalia could be attributed to donor fatigue. “United Nations International Children's Emergency Fund (UNICEF)”

WFP ayaa sidoo kale horey u sheegay in maadaama wadanka Mareykan oo ah deeq bixiyaha ugu weyn ee WFP Somaaliya uu joojiyey kaalmadii uu siin jiray aysan kaalmada wadamada kale waxweyn ka tareynin baahidooda.

United States is traditionally W.F.P.’s largest single donor,” said Peter Smerdon, a spokesman for the World Food Program, “and other donors cannot make up the difference.”

New York Under-Secretary-General (USG) for Humanitarian Affairs and Emergency Relief Coordinator (ERC) John Holmes ayaa shir jara’id oo uu xarunta Qaramada midoobay ku qabtay waxaa wax lagaga waydiiyey samaynta ay ku yeelantay Soomaliya joojinta ay dowlada Marekan iyo Ingriisku joogiyeen kaalmadii ay siin jiriin Soomaliya iyagoo ka cabsi qaba in Al-shahab leexsdaan. “Wuxuu yiri maamulka mareykan wxay qabaan walaac la xiriira in kaalmada ay siinayaa Soomaliya ay ay ka faa’iideystaan Al-shabab oo ah xoog aragaxiso” (video)

· Cadaadiska Deeq bixiyaasha ee Hay’adaha Samafalka

Ka sokow inay deqbixiyaashii xanibeen dhaqaale kale oo ay siiyaan howlada samafalka ee koofurta Soomaliya waxaa wadamada ugu waaweyn ee deeqda hay’adaha UN-ka ee qaabilsan Soomaliya ka dalbadeen in baaritaan lagu sameeyo qaabkan ay bixeen iyo cida la siiyey malaayiin dolarka mareykan ah oo ay bixiyeen labadiisa sano ee la soo dhaafay.

Arrintan oo gaartay ilaa reer UN Security Council, ayaa waxaa golaha amaanku howlgaraliyey guddi khubaro ah oo ka kooban shan xubnood kaas oo qeyb ka noqonaya ama ka hoos shaqeynaya gudida ilaalinta cunaqabtaynta hubka ee Soomaliya ee sanadkii 1992 lagu asaasay qaraarkii Security Council resolution 733 (1992), khubadan shanta ah ayaa loo xirsaatay inaay soo baaraan Kunturaadyo ay ganacasto Soomali ahi ka qateen WFP ah kuwaas oo la xiirira rarida iyo qeyinta raashinka gargaarka ee WFP.

Gudigaas ayaa sida uu qoray wargeyska New York times helay xogo xassasi ah bartamadii sanadkii la soo dhaafay ee 2009 xogahaas oo muujinayey in gacansatadasi ay macaamil ama xiriri dhaqaala la yeesheen saraakiil Al-shaabab isla markaana ay soo ifbaxday inay wajihi karaan gacansadaaasi cuqabadeyn iyo xayiraaad dhanka dhaqalaha ah,

Gudiga ayaa 8ii Discember 2009 iyaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Keenya kuna guda jira wareysiyo ay la yeelayaan qandaraas qaatayaashii howalaha UN-ka ee Soomaliya gaar ahaan WFP helay fariiro Hajabaadyo qaarajin ah hadii aanay joojin howsha ay ku guda jiraan. (U.N. Experts Get Threats in Inquiry Into Somalia)

Gudiga Golaha Amaaanka ayaa 11 December 2009 soo saaray statement tirsigiiu yahay Security Council SC/9813 AFR/1919 kaas oo ku muujiyayaan walaacooda la xirira hanjabada loo soo jeediyo xubdo gudigaaasi la mid ah.

Dhamaan hadaladaasi waxay tusaaale u yihin in sabata ugu weyn ee loo xiray kaalamada bini-aadaminimo ee Soomaliya gaar ahaan koofurta ay tahay dhaqaale la’aan soo wajahday hay’adii qaabilsanaa.

· Al-shabab iyo Hay’aha samafalka;

Arrinta ah in Al-shaabab ay caqabad ku tahay howlaha samafalka waxaa la dhihii karaa marka laga fiirsho in iyaga dartood loo gooyayey gargaarkii iyo marka laga fiirsho sida ay laf dhuungashay ugu noqdeen hay’adii samafalka musuuliyada qeyb weyn ayey ku leeyihiin hadii anany inta badan iyagu lahayn.

· Qaramada midoobay oo kaalintooda gabay;

Caasimadda dalka keenya ee Nayribi waxaa la howlgala ilaa 15 UN agencies oo ay Qaramada midoobay ah oo dhamaantood u diiwaan gashay inay qaabilsanyihiin Soomaaliya.

Wakiilka xog-hayaha guud ee Soomaliya Ahmedou Walad Abdlala oo horjooge u ah siyaasadda UN-ka ee Soomaliya ayaa in kastoo muujiyey dadaal badan oo laga xusi karo heshiiskii Djbouti ee dowlada KMG ahayd iyo qeyb kamid ah mucaaradkii Asmara lagu dhex dhexaadiyey laguna soo dhisay dowlada hada uu Sheikh Sharif hogaanka u ahayo, wallow dadka gaar ay aaminsanyihiin in heshiikaasi uu ahaa mid lagu ilqilaabayey Abdulahi yusuf oo Kaliya, dadaalkii Ahmed Waladou Abdalla wuxuu ku soo biyo shubtay iskadaa in xal waara laga gaaro dhibaatada Soomaaliyee in xitii dadkii baahnaa la gaarsiin waayo gargaarkii. Lakin weli lama quusan dowlada Sharifku waxay haysataa jaanis.

· 2010 vs. 1992

Bishii December sanadkii 1992, Golaha amaanka Qaramada Midoobay wuxuu gaaray qaraar uu mareykanku hormuud ka ahaa kaas oo tirsigiisu ahaa United Nations Security Council Resolution 794: dalbanayeyna in Soomaliya loo diro ciidamada ka kooban wadamo badan oo uu mareykan ku hogaaminayo Unified Task Force (UNITAF) ciidankaas oo waajibaadkoodu ahaa inay ilaaliyaan hamsami u socodka howlaha gargaarka bini-aadanimo ee Soomaliya iyagoo u maraya dariiq kasta oo ay ka fursan waayaan “to use "all necessary means" to guarantee the delivery of humanitarian aid in accordance to Chapter VII of the United Nations Charter,

Hadaba maanata maxay tahay sababat ay United nations u fiirsanayaa xalada Soomaliya iyadoo ay xaalku taaganayahay heer la mid ah amaba ka xun tii 1992. Mise waxaan sugnaa waa howlgalkii oo kale oo isla mandate kiisii wata oo joojinta gargaarku waxay u gogol xaaraysaa howlgal la mid ah kii 1992 oo wada isla mandate-kii.

Taladusa miyaanay ahayh in maadaama ay labaadan sano kadib caalamku ku daalay Soomaliya isla markaa loo baahanyahay in Somalidu ay markaan hurdada ka kacdo oo ay caano daatay dabadood qabtaan.

Waxaan sugnaaba waa jihada looga dhaqaaqo halka manta xalaku marayo.



Xigasho macluumaadka qaar:

http://ochaonline.un.org/Default.aspx?alias=ochaonline.un.org/somalia

http://www.nytimes.com/2009/11/07/world/africa/07somalia.html?_r=1

http://webcast.un.org/ramgen/ondemand/stakeout/2009/so091209pm1.rm?start=00:04:48

http://www.starnewsonline.com/article/20091213/ZNYT03/912133016?Title=U-N-Experts-Get-Threats-in-Inquiry-Into-Somalia

http://www.nytimes.com/2009/12/13/world/africa/13somalia.html

http://daccess-dds-ny.un.org/doc/RESOLUTION/GEN/NR0/010/92/IMG/NR001092.pdf?OpenElement

http://www1.voanews.com/english/news/war/UNICEF-Official-Says-Lack-of-Funds-Hampering-Work-in-Somalia--79460812.html

http://www.un.org/News/Press/docs/2009/sc9813.doc.htm

http://www.un.org/Depts/DPKO/Missions/unosomi.htm

http://en.wikipedia.org/wiki/Unified_Task_Force

http://en.wikipedia.org/wiki/United_Nations_Security_Council_Resolution_794



Afeef :

- Dhamaan macluumaadka ku qoran links-ka waxaa iska leh xuquuqdooda cida qoratay,

- Warbixintan loolama jeedo in cidnaba haba yaraatee wax loogu dhimo, waana ka cudurdaarayaa hadii haba yaraatee cid samaynayso.

- Waa fikirkeyga ii qaaska ah iyo fahamka aan ka qaatay ujeedada uu qoraalkani ku saabsanyahay, waad ila qabi karta ama waxbaad iiga gadisanan kartaa!

- Wixii talo iyo tusaale ah e-mailka waa la iigu soo diri karaa, waase muhiin inaad qoraalka wada akhrisaan ka horan inaatan comment ka bixin.

- Ma ihi saxafi ama siyaasi, kaliya arday wax ka hada barta culuudta siyaasada iyo xirriirka caalamiga ah





The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of Banadir24 online
Posted by Afaaro on January 11 2010 13:08:10 · 0 Comments · 620 Reads · Print
Comments
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
Post Comment
Name: (Magac)

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Latest Active Forum Threads
  Thread Views Replies Last Post
Furitaanka waa la isku daartaa
General Discussions
19 0 Nana
31-07-2010 08:42
Khudrada ku dhis lafaha jir...
Women's issue
25 0 Nana
31-07-2010 08:39
Dhacdo: Hadii cunug cadaan ...
General Discussions
63 0 Nana
29-07-2010 19:47
Sheeko dhexmartay gabadh iy...
Women's issue
98 0 Nana
29-07-2010 19:41
TOP 20 MOST UNBELIEVABLE PH...
General Discussions
143 0 Nana
23-07-2010 13:44
Dumarka oo isu qurxiya si s...
Women's issue
452 0 Nana
19-07-2010 09:54
Shaki laga muujiyay cuntada...
Women's issue
213 0 Nana
19-07-2010 09:44
6 hab oo loo qurxiyo cagaha
Women's issue
221 0 Nana
19-07-2010 09:41
Maxaad ka ogtahay dhambaala...
General Discussions
198 0 Nana
19-07-2010 09:39
Raaxaysiga lamaanaha ee ugu...
Women's issue
569 0 Nana
19-07-2010 09:36
who needs a good dress?
Women's issue
93 0 Nana
19-07-2010 09:34
this summer fashion
Women's issue
122 0 Nana
19-07-2010 09:26
Sclub19.com - Somali Music
Music
18187 7 Afaaro
01-07-2010 11:37
walaal aqriso qisadaan ciji...
General Discussions
1473 0 Nana
24-06-2010 11:07
Who are al-Shabab?
General Discussions
522 0 Afaaro
15-06-2010 15:50
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.














Random Photo






visitor stats
Guests Online