|
“Wa Amruhum Shuuraa Beynahum”
Barwada Reer Banaadir (Banadir’s plaintif)
W.Q. Cismaan Amiin Axmed
Email: osmanamin2004@yahoo.com
Findhicil, ma xalaal baa mise waa xaaraan? .. soo qaadistiisaaba yaqyaqsi leh. Dastuur u samaynta Muqdisho ayaa sidaas oo kale ah. Dastuur u samaynta magaalo, degmo amaseba Gobol waxay u baahan tahay sharci iyo xukuumad awood u leh dhaqangelintiisa. Dowladda KMG, waxay cuskan tahay xeer is faham, oo faraayo in muddo cayiman ay ku soo diyaariso Dastuur dalka lagu dhaqo iyo in magaalada Muqdiscio caasimada dalka loo sameeyo darajo (status) gaar ah iyo xeer u gaar ah.
Xukuumadda waxay ku fashilantey in muddadii loo qabtay iyo waqtigii labada sano ahayd loogu kordhiyo in ay sameyso “draft” dastuur ah ay hordhigto Hey’ adaha u xilsaaran iska daayee inay sameyso dastuur dhameystiran laga ansaxiyay Hey’adaha dowladda, afti shacbi ahna loo qaado. Inta Dowladda ay u xusul duubi lahayd soo gunaanadka mas’uuliyadda ay sheeganayso, ayay bilowday wargafasho iyo xaraarug aan meel looga waabaneynin. Waxay la soo baxday magacaabid xilal deegaanno aan gacantoodaba ku jirin iyo in la yiraahdo Muqdisho ayaa dastuur loo samaynayaa, iyada oo weliba la sameynin Dastuurka arrintaasi faraayo. Haddaba waxaa isweydiin leh; dastuur u samaynta Muqdisho ma xalaal baa mise waa xaaraan. Waa sheekadii “gubadkaan, gubadkiis ….”
Mar haddii”scenario” ha sidaasi yahay, lana soo qaaday dastuur u samaynta caasimadda, tahayna meel qorrax ah qasri baraf kaga dhis, waa habboon tahay in la soo hadal qaado sida ay wax u socdaan. Dastuur samayn waa “process” adag, una baahan ka baaraan degid iyo wada tashi wejiyo badan. Waxaase is weydiin leh, xukuumadda Islaamiga sideybay u fasirteen: “Wa Amruhum Shuuraa Beynahum” (arrintooda waa wada tashi). “Surat Al-Shuraa, Aayadda 38”. Miyaa loo micneeyay inta talada xukunka ugu jirto keliya ha wada tashadeen, mise shacbiga arrinta khuseeyso halala tashado. Muqdisho dastuur u sameynteeda miyeynaan ku habboonayn wada tashigaas inay qayb ka ahaadaan dadka deegaanka ku abtirsado oo dhan.
Milicsi taariikheed il-biriqsi ah
Muqdisho, waxay ahayd magaalo ka soo dhex muuqatay magaalooyinka kale ee Bariga Afrika ee ku teedsan xeebaha Badweynta Hindiya.
Waxay ahayd magaalo ganacsi oo bilicsan sida uu xusay Ibnu Batuuta, Badmareenkii reer Marooko oo sanadkii 1331 soo booqday Muqdisho.
Waxay ahayd sanadkii 1991, markii USC-da awoodda isbidday ay is hortaageen ergadii reer Banaadir dayaaraddii ay u qaadi lahayd Dalka JABUUTI oo shir uga socday ururada Soomaalida halkaas oo Cali Mahdi madaxweyne loogu soo magacaabay.
Had iyo jeer inta aad nooshahay, waxaad la kulmi kartaa wax kale oo kaa yaabiya, arrintaas waxay dhacday sanadkii 1993 markii Jeneraal Caydiid oo diyaarad qaas ah lagu keenay uu diiday in ergada reer Banaadir ee ku sugnaa magaalada Addisababa ay ka qayb galaan shirkii Ururada Soomaalida uga socday Dalka Itoobiya, inkastoo loo oggolaaday ka qayb galka shirka markii uu Butrus Butrus Ghaali (Xoghayahii Guud ee UN-ka) xilligaas uu soo farageliyay arrintaas caddaaladda iyo diblomaasiyadda ka fog.
Shalay haddii reer Banaadir ay ka cabanayeen dhacdooyinka inkirmaadda (denial) ah ee kor ku xusan iyo gabood falka awood qaybsiga dulmiga ku dhisan ee 4.5, oo aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ka qayliyay, maanta waxay dacwad ka yihiin sida Cabdulqaadir Cali Cumar, Wasiirka Arrimaha gudaha ee DKMG uu isu-hortaagay in reer Banaadir ay ka qaybgalaan shirkii looga arrinsanaayay magaaladooda, magaaladii ay soo dhisayeen tan iyo Qarnigii 1aad sida ku xusan Buugga caanka ah ee “PERIPLUS OF ERYTHRAEAN SEA” oo la qoray bartamihii Qarnigii 1aad dhalashadii Nebi Ciise ka dib (A.C). Madoowe Nuunow Maxamed, Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka soo ma ahan ugu yaraan in uu caddaldda ka xishoodo oo uu dib u eego arrintaas.
Maantana waa maalin kale oo reer Banaadirka ku dhaqan magaalada Muqdisho ka ash-takoonayaan tacdiyo ka dhan ah xuquuqdooda siyaasiga ah loo gaysanayo. 16kii Disember ee sanadkii hore, reer Banaadir waxay u ahayd maalin kale oo “madow” markii lagu xormaynwaayay ugu yaraan arrimaha iyo doodaha quseeya magaaladooda iyo guud ahaan degaanada kale ee awoowayaashooda ay dhidibada u soo aasay.
Falalkaas xadgudubka ah ee soo noqnoqday ma loo qaadan karaa in ay tahay tilaabo loo qaaday xaggaas iyo isir nacayb ama isir tir (ethnic cleansings).
Door sharaf huwan
Qowmiyadda reer Banaadir waxay umadda Soomaaliyeed dhexdeeda ku leedahay door sharafeed. Odayaasha Banaadiriga ayaa door weyn ka soo qaateen is-dhexgalka, isdhexmarka iyo isu kala socoshada gobollada; xilliyadii Soomaalida ay yiqiineen iskuna aqoonsan jireen qabiilka keliya. Ganacsatadii reer Banaadir ayaa suurta geliyeen, suurtagalna ka dhigeen in Soomaalinimo laysku dhexmaro, qofka Soomaaligana uusan gobollada oo dhan uusan marti ka noqonin.
Taasi waxaa xigtay, haddii la soo koobo, dhaqdhaqaaqyadii xurnima doonka. Waxgaradkii reer Banaadir ayaa hor istaagay isticmaarkii dalka lagu hayay, ummadda gobanimo u horseedeen, markii ay abaabulayn dhaqdhaqaaqyadii xornima doonka, naftooda iyo maamulkooda ugu baabac dhigeen, isticmaaradii xoogga isbidayna ka hortageen, markii Soomaali gees ka gees ay ku guuleysteen inay ka dhaadhiciyaa qaddiyadda iyo xorriyadda Soomaaliya. Taasine waxaa lagu gaaray daacadnimada iyo hufanaanta ay shacabka oo dhan ay kalsoonida kaga kasbadeen.
Dulqaad iyo tanasulaad ayay hoggaamiyaashii reer Banaadir ula yimaadeen markii la gaaray xorriyaddi, nasiib darrose manfac raadis loo wada guntaday. Hoggaamiyaashii reer Banadir oo hadafkooda ahaa dalka inuu xurroobo, maamulkii iyo siyaasaddii waxay u daayeen beelihii kale; waxay hammigooda labaad ahaa in waddanka dhaqaalihiisa la kobciyo, sidaas awgood waxay u jeesteen xirfadahoodii iyo farsamadoodii. Bulshada reer Banaadir waxay noqdeen kuwa ugu horreeyay ee bixiya canshuurta dowladda ay ku tiirsanadeed.
Burburkii ka dib, hoggaamiyaasha Banaadiriga waxay durbadiiba asaaseen xisbi siyaasi (SNU) oo loola jeeday qarankii burburay in dib loo soo celiyo, Waxayna ka fogaadeen hub urursigii iyo is colaadintii. Kamana ay seexanin qadiyyaddii ahayd dib u soo celinta qarannimadii burburtay iyadoo ay jirtay duruufihii kor aan ku soo xusnay oo lagu niyad jebin rabay. Waa qowmiyadda keliya oo aan hub qaadanin xilligii dheeraa oo uu burburka socday. Shacabka Banaadiriga waxaa qiimo weyn u leh dhiigga banii Aadanka, gaar ahaan dhigga Soomaaliyeed. Dhaqankooda ayaa ahaa xattaa haddii qof laga dilo, ma oggolaan jirin in qof loo dilo, diyana ma qaadan jirin ee Faatixa ayay qaadan jireen. Arrintaasine waxay kaga kasbadeen xushmad iyo kalgaceel badan bulshada Somaaliyeed dhexdeeda. Haddaad doonto akhriso: “Walaa Tastawil Xasanatu, Walassayi Atu … …” Aayah 34, suuratu Fussilat “ . (Xumaha iyo samaha ma sinna ….)
Waxaa wax lala yaabo ah xukuumadda oo fadhigeeda uu ku kooban yahay xaafadaha Xamar Weyne, Shingaani, Xamar jajab iyo Waaberi oo intaba deggan reer Banaadir(Muqdisho) iyo intii ay ku martigeliyeen oo ay xukuumaddu ka mid tahay, inay maanta ay xukuumadda ay inkirto jiritaanka reerka gogoshiisa ay fadhido. Arrintu ma aha abaalsheegasho iyo faan, laakiinse Soomaali waxay tiraahdaa: Haddi lagu sheego isa sheel, haddii lagu sheelana isa sheeg.
W.Q
Cismaan Amiin Axmed
The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of Banadir24 online
|