|
By Cismaan Amiin Axmed
Email: Osmanamin2004@yahoo.com
Labadii Heesood ee “BAROOR DIIQ”, iyo “LAMAANAHA SII DAAYA”, waxay midaysay dareenka Soomaalida Qurbaha ku nool, gaar ahaan Soomaalida UK…Qaarbaa ilmeeyay oo hadalkii gabay, halka qaar kalena xikmaddooda ku cabiray suugaan sida : gabayo, buraanburo iyo khudbado, markii ay maqleen heestii ka soo maaxatay maskaxda Cabdi Shire Ciyaar-jecel, isagoo cabirayay xaaladdii ay ku sugnaayeen POUL iyo Xaaskiisa RACHEAL.
Dhab ahaantii bahdalid qof biniaadam ah loo gaysto tii ugu xumayd aya ka muuqday sawirka Lamaanaha ee shaashada TV-yada dunida laga daawaday, markii (04) dhallinyaro ah oo dhafoorka iyo dhabarka kaga hayay qoryaha darandooriga u dhaca iyo midka baasuukaha loo yaqaan ee garbaha laga tooro. Waxay ahayd fal xanuun badan oo meel kaga dhacay dhaqanka Soomaalida iyo kan guud ee biniaadamnimada.
Hase yeeshee shirkii (Puplic Conference) Jaaliyadda Soomaalida ee UK ay ku qabteen Qoka Shirarka ee KAMDAN (CAMEN HALL), waxay ka tarjumaysay dareenka midaysan ee Soomaalida Qurba joogga ah ay ula qayb sanayeen laxawga Lamaanaha lagu haystoXARAR DHEERE.
Docda kale marka aad ka eegtid, qaabka shirka loo soo abaabulay iyo sida looga soo qayb galay, waxaa kuu muuqanaya in ay ahayd bilowga dhamaadka Dowlad-qabiil, isla markaana dhagax dhig (aasaas) u ahayd dib u dhiska midnimadii, oo sida aan ognahay kala dhantaalantay, markii ay duntay Dowladdii Dexe ee Soomaaliya sanadkii 1990.
Midnimadaas, oo marka dib loo eego taariikhda, laf-dhabar u ahayd dhaqdhaqaaqii iska caabinta gumaysiga, ka dib markii uu caga soo dhigtay geyiga Soomaaliyeed bilowgii Qarnigii 20aad.
Hase yeeshee markii gumaysiga isku dayay in Soomaalidu u kala qaybiyo xisbiyo fakarkiisa ku shaqeeya, waa tii soo baxday Heestii caanka ahayd ee SOOMAALIYAY TOOSOO TOOSOW ISKU TIIRSADAYEE, HADBA KIINA TAAG DARANEE TAADEERA WELIGIINEE..waxay ahayd Hees Soomaalidu ku baraarujinaysay adkaynta midnimadooda.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed, ma haysan ciidan tababaran, hub u dhigma kii uu haystay “SAN CADDAHU”, aqoon iyo maaliyad ay u adeegsadaan halgankooda.
Haddana hoggaamiyayaashii Xarakada waxa ku guulaysteen in ay hantaan quluubta iyo maanka dadka Soomaaliyeed, iyagoo u maray waddada midnimada iyo isku duubnida.
Midnimada dadka Soomaaliyeed ayaa SYL iyo SNL u noqday hub iyo ciidan aan la loodin Karin. Midnimadaas ayaana loo adeegsaday siyaasadda iyo diblomaasiyadda gudaha iyo dibadda. Waxaa taa markhaati cad u ah guushii siyaasadeed ee SYl ka gaartay sanadkii 1948 markii ergadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka socday ay soo gaareen Muqdisho iyo sida looga guulaystay siyaasaddii gumaysiga oo ku dhisnayd qaybi oo xukun iyo axsaabtii ku shaqaynaysay fakarka gumaysiga.
Isku duubnidaas oo keliya ayaa awooddii gumaysiga lagu wiiqay, isla markaana u horseedday dadka Soomaaliyeed in ay yeeshaan markii ugu horraysay taariikhda sanadkii 1960 Dowlad midaysan oo hal maamul leh, hal astaan (calan) Qaran leh, isla markaana leh Baarlamaan iyo madaxweyne dadka ay si toos ah u soo doortay.
Maanta way caddahay waxa noogu dhacay. Cudurkii laga ilaalinayay midnimada ayaa na asiibay, loona adeegsaday kala dhantaalidda midnimadeena. Siyaasaddii ayaa la qabyaaladeeyay, maamulkiina loo qaybsaday qabiilba qabiilka ka xoog weyn.
Falsafaddaas qabyaaladda ku dhisan, waxay is tustay Soomaalida, meel cid la’na nooga tagtay. Waxay na dhaxalsiisay saaxiib la,aan, ka dibna waxay banaanka u soo dhigtay fadeexadda maanta na haysata.
Kontan (50) sano ka dib waxaan waayo arag u noqonay in aan qabyaaladdu shaqaynaynin. Tan iyo 1990 qabyaaladdu marba weji cusub ayay yeelanaysay. Marka ay mid guuldaraysato, tu kale oo weji cusub leh ayaa soo baxaysay. Sidaas awgeed ayaa 20kaas sano la soo dhaafay loogu guuldaraystay in aan dhisno dowlad shaqaysa.
Isla sababtaas ayay ila tahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ay u dareentay in ay dib u dhallan karto midnimadii loo adeegsaday gobonimada iyo dhismaha dowladdii ugu horraysay ee ka dhallatay geyiga Soomaaliyeed…Bal markaan aan ku dayno midnimo iyo aqoon loo kaashado afgambiga qabyaaladda.
W.Q.
Cismaan Amiin Axmed
Osmanamin2004@yahoo.com
The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of Banadir24 online
|