Gen: Galaal : "Ciidamadan waayo aragnimo dheeraad ah ayay ka qaateen sida la isaga difaaco nimankaas dadka gaaleeysiinaya”
Gen. Maxamed Nuur Galaal oo maalmahan booqasho ku joogay GobolkaGalgaduud ayaa markii u horeysay ka warbixiysay socdaalka isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku joogaan. Gen. Galaal ayaa sheegay inuu u yimid gobolka Galgaduud sidii uu ukomeeri lahaa xaalada dadka, isla markaana qiimeyn ugu sameyn lahaanabadgelyada gobolka oo uu sheegay in wax weyn laga qabtay.
Isagoo suxufiyiinta kula hadlayay degmada Guriceel ayaa Genanku waxaauu ugu horeyn ku tilmaamay imaanshihiisa gobolka muddo sanado kadibinuu ugu hambalyeeyo Culumaa'udiinka Ahlusuna guusha ay ka gaareendhinacyada ka soo horjeeda sida uu hadalka u dhigay.
"Waxaan u nimid inaan u hambalyeyno dadka iyo Culumaa'udiinka Ahlusunaguusha ay ka gaareen, nimankaas magacyada badan ee dadka leynaya oogaaleysanaya"ayuu yiri Gen. Galaal oo sheegay inuu diyaar u yahay inuuqibrad xaga ciidamada uu siiyo Xoogaga Ahlusuna Wal-jameeca.
Gen. Galaal ayaa xusay in ciidamada Ahlusuna ay noqdeen kuwo waayoaragnimo ka qaaday la dagaalanka kooxaha shaarka diimeed huwan, isagooxusay in haatan diyaar u yahay inuu ku biiriyo qibrado dheeraad ah siay isaga caabiyaan hadii mar kale duulaan lagu soo qaado.
"Horta Ciidamadan waayo aragnimo dheeraad ah ayay ka qaateen sida la isaga difaaco nimankaas, hase ahaatee inta aan ka waayo aragsanahay,waxaan diyaar u yahay inaan qibrad dheeraad ah siiyo"ayuu yiri Gen.Galaal oo ugu baaqay culumaa'udiinka Ahlusuna in maamulo heer degmo umagacaabaan deegaanada ay maamulaan.
Mar uu ka hadlay kulamo uu kula qaatay magaalada Guriceel odayaashadhaqanka ayuu sheegay inuu kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaanabadgelyada, isla markaana meel looga soo wada jeesan lahaa, kooxahafirqooyinka iyo manaahijta ay wataan sida uu yiri.
Gen. Galaal ayaa sheegay inuu booqanayo deegaanada Ahlusuna ay kataliso, isagoo bogaadiyay ammaanka iyo kala dambeynta ka jirta gobolkaGalgaduud oo sanadihii la soo dhaafay aanay ka jirin, waxaana uu ugubaaqay bulshada gobolka in ka shaqeeyaan midnimadooda iyonabadgelyada.
Maalmihii u dambeeyay ayaa si aad ah waxaa loo hadal hayay booqashoaan horay loo sii shaacin oo Gen. Maxamed Nuur Galaal ku tagay gobolkaGalgaduud, kaasoo dadka qaar ku tilmaameen mid Culumaa'udiinkaAhlusuna oo ka mid ah garabyada awooda ku leh siyaasada soomaaliya kudoonayo inuu khibrad xaga ciidamada uu u siiyo howl galka ay kulajiraan kooxaha Shabaabka iyo Xizbul Islaam
#1 |
on February 09 2010 21:11:48
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|