Dad ku geeriyooday dagaalo xalay ka dhacay Muqdisho.
Inta la ogyahy ilaa haatan 2-ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay halka 8-kalana ay ku dhaawacmeyn dagaalo iyo duqeymo xalay saqdii dhexe ka qarxay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Deegaanada Shibis, C/casiis Boondheere ayaa ka mid ah goobaha sida tooska ah uu dagaalka uga socday xalay ilaa saakay waxaana la sheegaya in halkaasi ay isku fara saareen xoogaga mucaaradka iyo dowlada KMG soomaaliya.
Intaas ka dib ayaa waxaa mar qura' laga maqlay guud ahaan magaalada duqeymo baahsan oo lagu garaacay qeybo badan oo ka mid ah magaalada waxaana la ogaan karin in qasaaraha in intaasi uu ka badan karo iyo inkale waxaana haatan xaalad daganaan laga dareemayaa guud ahaan deegaanadii shalay ilaa xalay ay dagaalada ka socdeen mana jirto ilaa haatan cid ka hadashay dagaaladaasi labada dhinac.
|
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|