Xiisada Shabaab iyo Xisbul Islaam oo cirka isku toshay.
Waxa kala fogaan iyo kala shaki aan qarsoodi lahayan ka dhax bilaabatay saraakiisha kooxaha Xisbul Islaam iyo Al Shabaab gaar ahaan kuwa wada jooga suuqa baakarah iyo meel kale.
Saraakaal walba oo ka tirsan kooxaha Mucaaradka ayaa waxa soo wajahay cabsi xoog leh oo ku aadan in la qaarjiyo, waxaana Suuqa Baakarah iyo agagarkiisa shalay iyo maanta lagu arkayaa saraakiil ka tirsan ururada al Shabab iyo Xisbul Islaam oo ilaalo gaar ah yeeshay halka markii horay ilaalo la aan ay socon jireen.
Ka dib markii shalay dhacay dilka Bare Cali Bare oo ka mid aha saraakiisha Xisbul Islaam ayaa saacado ka dib labo gawaari oo ruuneyd ah oo qafalnaa ay isku tacshiiradeeyeen agagaar Isgoyska Aadan cade ee Magaalada Muqdisho ka dib markii ay kala shakiyeen.
Suuqa Baakaraha ee ah halka labada ururba ay kuwada sugan yihiin islamarkaana lagamamaarna ay u tahay qaar ka mdi ah saraakiisha ururada Muacaaradka ayaa hada waxa ka jira dhaqdhaaqyo ciidan iyo feeljignaan daran.
Dilka sarkaalkii Xisbul Islaam ee Bare Cali Bare ayaa waxa ka horeyey dilal si bareer ah Isgooysaka Sanca loo gu geeystay dowaan Taliye ku xigeenkii Ciidamada Xisbada Al Shabaab ee Suuqa Bakaaraha iyo dhalinyaro kale dilalkaa oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan ururka Xisbul Islaam.
Waxa hadal looga fadhiyaan ururka Xisbul Islaam kaasi oo ah hadalka kama danbeeysata ah ee ay ka yiraahdaan Bare cali Bare oo maalin cad si kalsooni leh loogu dilay Suuqa Bakaaraha hasa ahaatee waxaa muuqata in Xisbul Islaam ay garwaaqsan yihiin in dilka sarkaalka ay ka danbeeyeen Shabaab laakin waxaa adag ku dhawaaqista arintaasi.
|
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|